odds on
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odds on
/odhis on/ (adj) lugu rajo weyn yahay (wax loo badinayo ama la rajeeyo inay dhacaan).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Odds
Saami baqti iyo nasiib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odds
/oodhis/ (n) ixtimaalka wax ku dhici doonaan ama aysan ku dhici doonin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addoon
(Addoon-ka, Addoon-ta)
Qof la lee yahay; bidde, biddad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoon
addoon¹: m.l (-oommo, m.dh) Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
addoon²: m.dh (-oomo, m.dh) Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addoon
m.l (-oommo, m.dh) Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoon
m. n. slave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addoon
-ka: (n) [an offensive word] slave {isleeyv); chattel (jaatal) ~ bidde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoon
-ka: (magac, lab, keli) qof lab oo xorriyaddii laga qaaday oo cid kale xoog ku haysato si uu ugu shaqaysto oo uu baahidiisa oo dhan ugu fushado qof la leeyahay. Dh: bidde. Li: xor.
addoon -ka: (magac, lab, keli) sumad ka mid ah sumadaha xoolaha lagu dhigo. Addoonka ku yaal baad ku gararn in uu sacaygii yahay. Dh: sumad.
addoon -ta: (magac, lab, keli) qof dumar ah oo xorriyaddii laga qaaday oo cid kale xoog ku haysato si uu ugu shqaysto oo uu baahidiisa oo dhan ugu fushado. Bilan waa addoon bay ahayd. Dh: biddad. Li: xor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addoon
de: slave
lx: addoon
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2c-m/f
key: addoon
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
addoon
عبد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogsoon
Ka war haya; yaqaan; og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsoon
f.g4 (-naa, -nayd) Cid wax ka war haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ogsoon
f.g4 (-naa, -nayd) Cid wax ka war haysa ahaansho. m.f.dh, ogsoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogsoon
der. [adjective] knowing, informed, aware
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogsoon
-aa -ayd: (v) knowing (noo'wing); conscious (koon 'shas); aware (a weer); deliberate (dili-bereeyt). Ex: aniga oo og baan sameeyey; I did it knowingly ~ og
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogsoon
(tilmaame) ah qof ka war haya, ka warqaba. Dh: og.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogsoon
de: knowing, informed, aware
lx: ogsoon
pd: (ogsoonaa)
ps: adj-der
xe: As we all know ...
xv: Sida aannu wada ogsoonnahay ...
key: ogsoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soddon
(Soddon-ka)
Tiro ka kooban saddex meelood oo meeshiiba toban tahay; saddex tobnaad (30).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soddon
m.l.t Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soddon
m.l.t Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddon
num: thirty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soddon
-ka: (n) thirty (theerti); 30
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soddon
-ka: (magac, lab, keli) tiro ka kooban saddex meelood oo meeshiiba toban tahay; saddex tobnaad; 30.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddon
de: thirty
initial: s
lx: soddon
pd: (-ka)
ps: num-m
key: soddon
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hold on
(v) to grasp or squeeze an object,
qabso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hold on
/holdh-on/ (v) sugid, u-kaadin (v) 2. qabsasho. e.g. Hold on to that rope. (v) 3. sii-wadis, ku-sii-wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oddoros
(Oddoros-ka)
1. Cilmi lagu ogaado ama lagu qiyaaso roobka meel durugsan ku da'aya, inta uu jiro, meesha uu ku da'ayo iyo waxyaalo kale oo hawada ku saabsan.
2. Mala'awaal; qiyaas.
3. Saadaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oddoros
oddoros¹: m.l 1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros²: f.g1 (-say, -stay) 1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda male-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oddoros
oddoros¹: m.l 1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros²: f.g1 (-say, -stay) 1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda male-awaalid. m.f.dh, oddorosid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oddoros
v. predict, forecast, foresee; estimate; predict rainfall
oddoros vl. n. prediction, estimate; weather forecast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oddoros
-ay / tay: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaasf); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oddoros
(fal) saadaali oo sida ay arrini noqon doonto sii sheeg. Dh: qiyaas.
oddoros -ka: (magac, lab, keli) cilmi lagu ogaado ama lagu qiyaaso xaaladda hawada iyo sida ay noqon doonto. Dh: mala'awaal, qiyaas, saadaal.
oddoros -ka: (magac, lab, keli) ka waxsheegga iyo saadaalinta natiijada xaalad socotaa halkay ku dambayn doonto. Dh: hilaad, saadaal, mala'awaal.